Madaxweynaha Puntland oo ka dhoofaya Baydhabo xilli guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku wajahan

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahaan ku sugnaa Baydhabo shirna uga qeyb galayay ayaa maanta lafilayaa in uu dib ugu laabto Garoowe.

In kastoo aan weli lasoo gaba gabeyn shirkii Madaxda dowlad goboleedyada ayaa hadana,waxaa lasoo sheegayaa in madaxweyne Gaas uu safar deg deg ah uu soo galay.

Ujeedada ayaa lagu sheegay in xaalad ay kusoo korortay puntland kadib markii dagaal uu uga furmay deegaanka tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo shalay uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada Soomaaliland  iyo Puntland.

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lafilayaa in goordhow uu halkaasi gaaro si uu uga qeybgalo shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu wado in uu halkaasi ka furmo.

Shirka madaxda dowlad goboleedyada ee Baydhabo ayaa walaac laga muujinayay,waxaana dadka qaar ay aaminsan yihiin in qodobada kasoo baxaa ay keeni karaan caqabad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor