Madaxweynaha Puntland oo Goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoona kasoo ambabaxay Magaalada Boosaaso.

Deni oo wafdigiisa ay qeyb ka ahaayeen Mas’uuliyiin kala duwan oo Puntland ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Wasiiro iyo qeybaha kala  duwan ee bulshada.

Ujeedka Madaxweyne Deni ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka shirka Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ee ka dhacaya Xalane ee looga hadli doono khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sida uu qorshahu yahay degi doono xeyndaabka Garoonka Muqdisho, waxaana saacad kahor Garoonka kasoo degay Ciidanka Ilaalada gaarka ah ee Deni oo aad ugu hubeysan qoryo fudud iyo kuwo culus.

Madaxweyneyaasha kale ee dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay soo gaaran Caasimadda dalka, si ay uga qeyb galaanka Shirka Madaxda oo ay goobjoog ka noqon doonto Beesha Caalamka.

Shir uu ku baaqay Madaxwerynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saddex jeer baaqday, kadib markii Jubbaland iyo Puntland ay shuruudo ku xireen ka qeyb galka shirkaa