Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe iyo Ujeedkiisa

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi la socday ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka maqnaa.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb oo uu uga qeyb galay Shirka wadatashiga Wejiga koowaad ee yeesheen Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka.

Ujeedka uu dib ugu laabtay Garoowe, Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa tahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Aaska loo sameeynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday Turkiga.

Aaska kadib ayuu Madaxweynaha dib ugu laaban doonaa Magaalada Dhuusamareeb uu kasoo baxay, isla markaana waxaa uu halkaas uga qeyb geli doonaa Wejia labaad ee Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media