Madaxweynaha Puntland oo DFS ugu baaqay in Ciidankeeda kala baxdo Gedo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa aalada fogaan araga ah ee loo yaqaano ZOOM-ka uga qeyb galay Shirka dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka uga socda Hoolka weyn ee Afisyooni ee Garoonka Aadan Cadde.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay Shirka Somalia Partnership Forum ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka Cusub ee soo kala dhex-galay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni in Gobolka Gedo uu ka tirsan yahay Maamulka Jubbaland, ayna muhiim tahay inay ka dhacdo Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, taasina ay ku imaan karto oo kaliya hal arrin oo ay saameyso Dowladda.

Madaxweynaha ayaa dowladda ugu baaqay inay Ciidamadeeda ay kal horey ku daabushay Gobolka Gedo kala soo baxdo, isla markaana maamulka Gobolkaas gacanta dib loogu celiyo Jubbaland, si ay uga dhacdo Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo jeediyay in Guddiga doorashada Somaliland uu noqdo mid loo dhan yahay, isla markaana ay ka wada tashtaan dhammaan xubnaha saamileyda ee ka soo jeeda Gobolka Waqooyi ee Somaliland.

Hadalka Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Gobolka Gedo aysan ka dhici karin Doorasho ilaa iyo inta laga saarayo Ciidanka dowladda Federaalka ay kal horey halkaas ku daabushay, waxaana Jubbaland ay dalbatay in gacanta loogu soo celiyo maamulka Gobolkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media