Madaxweynaha Puntland oo Caawa Isbedel ku sameeyay Taliyeyaal Ciidan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Isbedel ku sameeyay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Gobolada Nugaal, Bari iyo Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, sidoo kalena magacaabay Agaasime Ku-xigeenka PMPF-ta Puntland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa G/sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari loogu bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Madaxweyne Deni ayaa G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada u wajeejiyey Taliska Ciidanka Booliska, waxaana loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland  ayaa Maxamuud Silaal Cumar u magacaabay Agaasime Ku-xigeenka PMPF-ta dowlad Goboleedka Puntland, isagoo bedelaya Mas’uuliyiin ka horeeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor