Madaxweynaha Puntland  oo aqbalay Codsi uga yimid James Swan

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ka dhacay xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa iyo Shirka la filayo inuu dhexmaro Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee uu ku baaqay Farmaajo.

Warar lag kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in James Swan uu Madaxweyne Deni ka dalbaday in wax Jawaab ah uusan ka bixi baaqa ka yimid Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo ee la xiriira Shirka uu isugu yeeray Madaxda.

James Swan ayaa la sheegay in Madaxweynaha Puntland uu u sheegay in Shirka looga hadlayo khilaafka doorashada uu ka dhici doono Teendhada Afisyooni, isla markaana Shirkaas ay dammaanad uga tahay Beesha Caalamka.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in Madaxweyne Saciid Deni uu aqbalay Codsiga uga yimid Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoona la tilmaamay in kulanka uu is faham uu kusoo dhammaaday.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horey shuruudo dhowr ah ku xiray ka qeyb galka Shirar uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, isla markaana sababay in shirarka ay baaqdeen, wallow haatan la filayo in Madaxda ay ka wada qeyb galaanka Shirka ka dhacaya Afisyooni, kaasi oo furmaya maalinta berri oo Isniin ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor