Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxda dowladda Soomaaliya ee haatan talada dalka heysa ay doonayan inay sameeystaan muddo kororsi,hayeeshee waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu sheegay in dadka Soomaalida ay heshiis ku yihiin in afartii sanoba mar ay doorasho dhacdo kuna dhacdo xiligeeda,isla markaana xusay in uusan dalka xiligan ka dhici karin wax mudo kororsi ah.
Sidoo kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland sheegay ayaa xiliyadii ugu dambeeyay dalka ay dhacayeen Doorashooyinka,kuwaasi oo lagu wada qanacsanaa,balse haatan aan la dooneyn in Madaxda dowladda ay sameeystaan mudo kororsi.
Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Deni ayuu tilmaamay in Puntland ay aragti ka yeelaneyso sida ay noqon doonto doorashada soo socota ee 2020-ka ee dalka ka dhaceysa.
“Wax Soomaali heshiis ka tahay waxaa ka jira illaa hadda oo hirgalay waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, Illaa Mbagathi 2004 dowladdihii intii madax isaga kala dambeysay heshiiskaas ayaa lagu socday, dib u dhac marna ma imaan, muddo kororsina ma imaan marka ma rajeyneyno arrimo noocaas ku jiraan inay dhacaan”ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Si kastbada halkan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Madaxda sare ee dalka ka shaqeenayaan sidii ay mudo kororsi u sameyn lahaayeen.