Madaxweynaha Puntland Deni oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ugu maqnaa maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa Maanta oo Arbaco ah gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo siweyn ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo qeybaha Bulshada, isagoona Deni ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Madaxweynaha Puntland uu yahay mid la xiriira xarig ka jarida Garoonka kubadda Cagta Magaalada Gaalkacyo ee Cawaale Studium oo si casriya loo dhisay.

Inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo, Madaxweyne Deni ayuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Magaalada, kan Gobolka Mudug, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa kormeer ku tegi doona dhismaha dekedda Garacad oo meel wanaagsan maraya, isla markaana si casri ah loo dhisay, isagoona xog-wareysan doonaa Maamulka gacanta ku haayo shaqada dhismaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor