Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka degey magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland, isagoo ka qeybgeli doona shirkii labaad ee Madasha Wadatashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada kala ah Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka kooban xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa si diiran garoonka ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali iyo kumanaan qof oo safnaa garoonka iyo waddooyin ka magaalada.

Shirkan labaad ee Madasha Wadatashiga ayaa daba jooga kii koowaad ee horey loogu qabtey magaalada Muqdisho bishii February ee sannadkan, kaas oo ay ka soo baxeen go’aamo la xiriira xoojinta kulamada wadatashiga, hiigsiga 2016, Cahdiga Cusub, isku dhafka ciidammada iyo arrimo kale oo khuseeya qaranimada dalka.

Madasha Watashiga ayaa la asaasay bishii Febraayo ee sannadkan 2015, markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Muqdisho ku casuumey madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali ,Jubba, Axmed Maxamed Islaan iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka beri furmaya ka sokow waxaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay xarunta madaxtooyada maamulka Puntland kulan wadatashi ah kula yeesheen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland iyo, mas’uuliyiin kale oo maamulkiisa ka tirsan.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

unnamed

unnamed  21

unnamed  18

unnamed  6

unnamed  15

IB0A7039  1

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor