Madaxweynaha Mozambique oo qaati ka taagan kooxo Mintidiin ah

Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa Arbacadii sheegay in mintidiintu ay ku qasbeen 570,000 oo qof in ay ka qaxaan guryahooda gobolka Cabo Delgado ee waqooyiga Mozambique.

Nyusi ayaa wacad ku maray inuu ka guuleysan doono kooxaha kacdoonka wada ee kordhiyay weerarada tan iyo markii ay ku dhawaaqeen in ay ku biireen kooxda Daacish sanadkii hore.

Dagaalyahannada ayaa dagaal la galayay ciidamada, iyagoo bilooyinkii u danbeeyay la wareegay magaalooyin ka tirsan gobolkan oo hoy u ah horumarka gaaska qiimihiisu gaarayo $60 bilyan.

Horraantii toddobaadkan, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ugu yaraan 424,000 oo qof ay u qaxeen gobollada deriska la ah ee Niassa, Nampula iyo Pempa, waxayna ka digtay in dhibaatadu ku fidi karto goobaha ka baxsan xuduudaha Mozambique.

Kooxdan xagjirka ah ee Ahlu-Sunnah Wa-Jamaca ayaa fulisay weerarkeedii ugu horeeyay sanadkii 2017-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media