Madaxweynaha Masar oo Suudaan kala hadlaya Arrin lagu muransan yahay

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa Sabtida maanta ah booqashadii ugu horreysay ku tagay Sudan tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Omar Al-Bashir, iyadoo dalalkan deriska ah ay riixayaan in ay xalliyaan ismari-waaga diblomaasiyadeed ee ka taagan biyo xireenka weyn ee ay Ethiopia dhiseyso.

Sisi waxaa sidoo kale inta uu joogo Khartoum kala hadlaya madaxda Sudan amniga Badda Cas iyo xaaladaha ka soo kordhay xuduudaha Sudan, sida lagu yiri bayaan ay soo saartay madaxtooyada Masar.

Sudan ayaa wajahaysa caqabado xagga amniga ah oo ay ka mid yihiin kororka rabshadaha ka socda galbeedka gobolka Darfur iyo iska hor imaadyo hubeysan oo dhowaan ka dhacay deegaan lagu muransan yahay oo ku yaal xadka ay la wadaagto Ethiopia.

Labada dal ee Masar iyo Sudan ayaa ka walaacsan biya- xireenka Ethiopia dhisayso kaasi oo ay Addis Ababa sheegtay in uu muhiim u yahay kobcinta dhaqaaleheeda.

Wadahadal khadka taleefanka oo uu Jimcihii la yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayuu Wasiirka Arimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry wuxuu “carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la bilaabo geedi socod dhab ah oo gorgortan wax ku ool ah” kuna saabsan biyo xireenka ka hor inta aan la gaarin wareega labaad ee buuxinta kaydka ee la filayo xagaaga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor