Madaxweynaha Masar oo soo dhaweeyey Qorshaha Dowladda Somalia ee Doorashadda 2016-ka

 

Madaxweynayaasha Somalia iyo Masar ayaa kulan khaas ah ku yeeshay caasimadda dalka Ethiopia, oo ay kaga qeyb galayaan Shirweynaha 26-aad ee Madaxda Dowladaha Afrika uga socda magaalladda Addis Abeba.

Afhayeenka Madaxtooyadda Masar, Calaa Yuusuf ayaa sheegay inay Madaxweynayaasha C/fataax Alsiisii iyo Xasan Sheekh Maxamuud ka wada hadleen Xaalladihii ugu dambeeyey ee Somalia, Xiriirka Somalia iyo Masar, Qorshaha Xubinnimadda Dowladda Masar ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika iyo guud ahaan Arrimaha Mandiqadda Geeska Afrika.

Madaxweynaha Msaar waxa uu carrabka ku dhuftay inay Masar taageerayaan Midnimadda iyo Deganaanshaha iyo Midnimadda Somalia iyo Qorshaha Dowladda Federalka  ee Taabagelinta Hiigsiga Somalia ee sannadkan 2016-ka, gaar ahaan Qabsoomidda Doorashooyinka Qaranka.

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo isagana ka hadlay Kulanka uu la qaatay dhigiisa dalka Masar, waxa uu Dowladda Masar kaga mahadceliyey Taageeradda ay siiyaan Dowladda Federalka iyo Tababarka ay Masar siiyaan Kaadiriinta Soomaalida.

Dhinaca kale, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Somalia iyo Masar waxay iyagana shalay Kulan ku yeesheen magaalladda Addis Abeba, waxaynaka wada hadleen xiriirkalabada Dowladood, gaar ahaan Horumarka laga gaaray Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadda ee Somalia iyo Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia waxa uu dhigiisa Masar faahfaahin ka siiyey dadaalka Nabadda Somalia iyo Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Somalia.

W.A.D. MASAR WASIIR HADLIYE

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor