Madaxweynaha Mareykanka oo war kasoo saaray dhalinyaro Muslimiin ah oo si fool xun loo dilay

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu ka careysan yahay dilka afar nin oo Muslimiin ahaa oo lagu dilay gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka.

Booliska ayaa baarayaa in dilkan lala xiriiriyay in uu ahaa weerar.

Biden ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu aad uga murugooday dilka ka dhacay magaalada Albuquerque, wuxuuna sheegay in maamulkiisu uu si adag u garab taagan yahay shacabka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Mareykanka.

Booliska ayaa sheegay in qof lagu dilay halkaas Jimcihii halka laba qof oo kalena la dilay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Afarta qof ee muslimiinta ah ayaa kasoo jeeday koonfurta Asisa, waxaana lagu dilay weerar gaadmo ah.

Afhayeen u hadlay Muslimiinta gobolka New Mexico ayaa sheegay in dilkan uu argagax geliyay bulshada laga tiro badan yahay ee ku nool magaalada Albuquerque.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor