Madaxweynaha Mareykanka oo magacaabay xoghaye cusub

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka Cennectcut Miguel Cardona u magacaabay inuu noqdo xoghayahiisa waxbarashada isagoo sheegay inuu yahay u doode xooggan oo waxbarashada iskuullada dadweynaha, kaas oo hogaamin kara wasaaradda iyo halganka loogu jiro waxbaridda ardayda iyadoo la ilaalinayo badqabkooda inta lagu jiro aafada Coronavirus.

Biden oo ka hadlayay magaalada Wilmington ee gobolka laga soo doorto Delaware ayaa sheegay inay taasi sameyn karaan hadii iskuullada degmooyinka, bulshada iyo gobooladaba la siiyo, wadiiqad cad oo lagu hagayo iyo dhaqaalaha oo aan hadda ku jirin miisaaniyadooda.

Waxuu intaasi ku daray in si ammaan ah wax loo baro ardayda iyadoo la dhowrayo badqabkooda ay u baahan tahay qof fahmi kara baahida loo qabo qabo ka hortagga Aafada si aysan uga sii darin sinnaan la’aanta hannaanka waxbarashada ee uu sababay COVID19.

Cardona oo 45 sano jira ah ayaa noqonaya qofkii ugu horreeyay ee kasoo jeeda bulshada Latino-ga kaas noqda xoghaya waxbarashada ee Mareykanka hadii ay ansixiyaan golaha Senat-ka ee Mareykanka, sidoo Cardona ayaa loo magaacabay madaxa waxbarashada ee gobolka Connecticut bilo ka hor dillaacii Aafada COVI19 ee bishii March.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media