Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Maanta kusii jeeda Magaalada Nairobi

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa uu ku wajahan yahay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa warar la helayo ay sheegayaan in safarkiisa Kenya uu la xiriiro kulamo kala duwan oo uu halkaas kula qaadayo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya, Ganacsato iyo xubno kale oo ku sugan Magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa markii hore u yimid Magaalada Muqdisho ololihiisii Musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka, isagoona u tartamay doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda, wuxuuna ku haray wareega labaad ee doorashada.

Sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale oo ku sugnaa Magaalada Muqdisho  ayaa iyaguna waxaa ay kusii jeedaan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxda maamul Goboleedyada oo dhammaantood ku sugnaa Muqdisho ayaa dib ugu laabanaya Xarumaha maamulada, waxaana shalay Kismaayo ku laabtay Madaxweyne Axmed Madoobe, halka Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu isna ku laabtay Baydhabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor