Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo u ambabaxay Magaalada Baraawe iyo Ujeedkiisa

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa u ambabaxay Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulkaas.

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen oo Goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeedka Madaxweyne Lafta-gareen ee Magaalada Baraawe uu yahay mid la xiriira kulamo uu la qaadan doono Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Maamulka Baraawe kala hadli doona xaaladda guud ee deegaanka, ammaanka iyo shaqooyinka kale ee ka socda Magaalada, waxaana halkaas ka socota qaban-qaabada soo dhaweynta Lafta-gareen iyo wafdiga la socda.

Ammaanka guud ee Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka KGS ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana xusid in Magaaladaas ay kamid ah tahay Magaalooyinkaas loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor