Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoona siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Lafta-gareen oo maalmihii dambe ku sugnaa dalka Turkiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Caasimadda u yimid ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee ka dhacaya Teendhada Afisyooni oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey ugu sugnaa Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Puntland, waxaana Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay degan yihiin xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Shirka uu ku baaqay Farmaajo ayaa la filayaa inuu furmo maalinta berri oo Isniin ah, isla markaana ay qeyb galaan Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo sida uu qorshahu yahay ka dhici doona Teendhada Afisyooni.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku heysa Madaxda dowladda Federaalka ee muddo xileedkood idlaaday iyo kuwa maamul Goboleedyada, iyadoona Shirka ka dhacaya Caasimadda ay goobjoog ka noqon doonto Beesha Caalamka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor