Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Wasiiro Cusub

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay Wasiiro Cusub, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Wasiiro horey uga tirsnaa Golihiisa Wasiirada.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xilka Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed loo magacaabay inuu noqdo Ibraahim Cali Aadan Janax oo horey u ahaa Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Lafta-gareen ayaa Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo gaadiidka badda u magacaabay Cali Maxamed Cali, halka Cumar Axmed Aadan laga dhigay Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sababta loo magacaabay Wasiirada Cusub ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha maamulka iyo ahmiyada Golaha Wasiirada ee maamulkaas.

Dhinaca kale Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiiradii horey u haayay xilka Wasaaraddaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed, Dekaddaha iyo gaadiidka badda iyo Dastuurka Maamulkaas.

Agaasimaha warfaafinta iyo xiriirka Madaxtooyada Koonfur Galbeed Maxamed Cali Ibraahim Bandhawow ayaa Warbaahinta u Akhriyay Wareegtada magacaabista ee Wasiirada Cusub.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media