Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Maanta kulan la qaatay Safiirka Itoobiya

Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya AMP Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati guduud kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka, iyagoona markii dambe wafdiga Safiirka loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Safiir Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyadda ee Magaalada Baydhabo.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Lafta-gareen iyo Safiirka Dowlada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo ay kamid ahaayeen doorashooyinka ka dhacaya dalka iyo amniga, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada

Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Maamulkiisa uga mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, halka dhanka Madaxweynaha uu u mahadceliyay Safiirka iyo wafdiga la socday oo gaaray Magaalada Baydhabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor