Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo labadii maalin ee lasoo dhaafay safar ku joogay Magaalada Kismaayo ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa inta uu ku sugnaa Caasimadda KMG ah ee Jubbaland waxaa uu kulamo la qaatay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, iyagoona ka wada hadlay Arrimo kala duwan.

War-saxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in labada Madaxweyne Goboleed ay ka shireen Arrimaha Amniga, horumarinta, dhaqaalaha, Ganacsiga, xoojinta wadashaqeynta ka dhexeeysa labada dhinac iyo dardar-gelinta doorashooyinka.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa walaac ka muujiyey abaaraha baahsan ee ka jira dalka gaar ahaan deegaanada labada maamul, iyagoona ku baaqay in gurmad Deg-deg ah lala gaaro shacabka ay abaaraha saameeyeen.

Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa marka hore u tegay Magaalada Kismaayo Arrimo ku aadan doorashada Golaha Shacabka, iyadoona la sheegay in labada dhinac ay isaga kala xiran yihiin dano kuraas Xildhibaan oo taalla Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor