Madaxweynaha Kenya oo War kasoo saaray dagaalka ka socda Itoobiya

Madaxweynaha waddanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay dagaal khasaaraha badan geystay ee dhexmaraya Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Tigree-ga ee ka socda waqooyiga dalkaas.

Madaxweyne Kenyatta ayaa Magaalada Nairobi kulan kula qaatay wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalkaas Demeke Mekonnen, iyagoona ka wada hadlay xaaladda colaadeed ee ka taagan G/Tigree-ga.

Uhuru ayaa sheegay inuu ka xun yahay dagaalka khasaaraha badan geystay ee dhexmaray Ciidanka Milateriga iyo kuwa TPLF, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dagaalka socda, isla markaana si nabad ah lagu xaliyo arrimaha jira

Sidoo kale Madaxweyne Kenyatta Uhuru ayaa tilmaamay in Kenya iyo Itoobiya ay ahaayeen labada Dal ee hoggaanka u haaya nabada ka jirta geeska Afrika, wuxuuna Ismaamulka Tigree-ga ka dalbaday in Colaalada la joojiyo.

Ciidanka Milateriga dowladda Itoobiya ayaa kuwa Tigree-ga ka qabsaday magaalooyin dhowr ah, waxaana dagaalka u dhexeeya labada dhinac uu galay todobadkii labaad oo xiriir ah, iyadoona uu jiro khasaaro lixaad leh oo ka dhashay dagaalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media