Madaxweynaha K/Galbeed oo kulan la yeeshay Safiirka Qatar ee Somalia

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socday dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay Ambassador Hasan Bin Xamza Asad Maxamed, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Qatar Hasan Bin Xamza Asad, iyagoona ka wada hadlay arrimo kala duwan.

Kulanka ayaa looga hadlayey arimaha ka jira Koonfur Galbeed ee isugu jira amniga, Mashaariic horumarineed iyo Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dhammaadka sandkaan 2020/2021.

Qatar ayaa horey Mashaariic kala duwan uga fulisay Magaalada Baydhabo, waxaana kamid ahaa Iskuul, Gegida Diyaaradaha ee Shaati-gaduud iyo Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed.

Dowladda Qatar iyo hay’adaheeda samafalka ayaa Gacan ballaaran ka geysatay dib usoo kabashada Soomaaliya , iyagoo sidoo kale door wanaagsan ka qaatay Qalabeynta Ciidamada kala duwan ee Dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media