Madaxweynaha K/Galbeed oo Guddi u saarayo Colaada Wanla-weyn

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay Colaada ka socota Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa marka hore tacsi u diray dadkii ku geeriyooday Codaada Wanla-weyn, wuxuuna Colaadaas uu ku tilmaamay mid islaanimada iyo Soomaalinimada ka fog.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed inay sharciga horkeeni doonaan cid walba oo ku lug leh dagaalka xun ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Degmada Wanla-weyn iyo deegaanada hoostaga.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in Guddi u saari doonaan Colaada Wanla-weyn, kuwaasi oo si deg deg ah u kala dhex geli doona beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamayo Wanlaweyn.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhamaan lamaha amniga ee ku sugan Wanla-weyn si buuxda u faray inay kala dhex-galaan Maleeshiyaadka ku dagaalamaya halkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media