Madaxweynaha K/Galbeed oo gaaray Degmo ka tirsan Gobolka Bakool

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Degmada Xudurka ee Gobolka Bakool.

Safarka Madaxweyne Lafta-gareen ee Xudur ayaa waxaa ku wehlinaya Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, Saraakiil Ciidan, waxaana Garoonka diyaaradaha halkaas kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka Lafta-gareen u tegay Degmada Xudur ayaa waxaa ay tahay sidii uu xariga uga jari lahaa Mashaariic horumarineed oo kala duwan, isla markaana dhawaan halkaas laga hirgeliyay, isagoo kuwo Cusubna dhagax dhigi doono.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed halkaas ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Xudur iyo Odayaash deegaanka, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Ammaanka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Booliska Maamulka KGS iyo kuwa Daraawiishta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media