Madaxweynaha Jubbaland oo War kasoo saaray daadadkii Qardho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku baaqay in si guud loogu gurmado Magaalada Qardho oo ay ku dhufteen daadad saameeyay Nolosha dadka.

Madaxweynaha oo Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani ayaa sheegay in Shacabka iyo Xukuumada Jubbaland ay garab taagan yihiin qoysaska eheladooda ku waayay iyo kuwa ku gurya beelay musiibadan oo tiiraanyada ay la qabaan

Madaxweynahu wuxuu Tacsi u diray ehelada dadkooda ku waayay musiibadan isagoo Caafimaad u rajeeyay dadka saamaynta dhibaatada Wali la tacaalaya.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in ay xili roobaadkan jiri karaan fataahado iyo daadad ku dhufta Dhulka ku teedsan Wabiyada iyo dooxooyinka dalkeena kuwaas oo ay tahay in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan sidoo kalana mar walba diyaar loo ahaado sidii loogu gurman lahaa hadii ay dhacdo mashaqadan oo kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media