Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loo soo dhaweeyay.

Axmed Madoobe iyo wafdiga la socday ayaa waxaa soodhaweyntooda ka qayb qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ay ka mid yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Rooble.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Muqdisho kaga qayb gali doona Shirka Golaha Wadatisha Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Shirka ayaa waxaa horay u iclaamiyay Ras’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana muqdisho ku sugan dhammaan madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka,marka laga reebo madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor