Madaxweynaha Jubbaland oo si diirran loogu soo dhaweeyey Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo xubno kale.

Mudane Axmed Madoobe ayaa ka qeyb galaya shirka madasha wadatashiga Qaran ee arimaha Doorashooyinka oo ay iskugu imanayaan madaxda madasha wadatashiga si looga arinsado dardar galinta arimaha Doorashooyinka Aqalka sare iyo golaha shacabka oo hada meel Wanaagsan maraya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor