Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Guddiga Doorashooyinka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal FEIT, Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno ka tirsan Guddiga oo gaaray Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddoomiye Muuse Geelle kala hadlay doorashada dalka gaar ahaan tan Golaha Shacabka ee ka socota Jubbaland iyo sidii loo dardar-gelin lahaa doorashada, looguna soo gaba-gabeyn lahaa waqtigii loo qorsheeyay ee 25-ka Febraayo.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in habsami u socodka howlaha doorashooyinka ay rajo galinayso shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la dadajiyo, si looga baxo marxalada kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

Kulanka Madaxweyne Axmed Madoobe la qaatay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa ka qeyb ahaa Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland SEIT iyo xubno kale oo ka tirsan Guddigaas.

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal FEIT, Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa shalay Kismaayo u tegay sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kismaayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor