Madaxweynaha Jubbaland oo ku wajahan Magaalada Garoowe

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlin doono xubno ka tirsan maamulkiisa, iyagoona daqiiaqado kadib kasoo ambabixi doona Garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyagoona kusii jeeda Garoowe.

Qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Jubbaland ayaa laga dareemayaa Caasimadda Puntland, waxaana halkaas uu Axmed Madoobe uga qeyb geli doonaa Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage.

Inta uu ku sugan yahay Garoowe ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa dhiggiisa Madaxweye Saciid Cabdullaahi Deni iyo  Mas’uuliyiin kale oo ka qeyb galaya Shirkaas, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi la socday ayaa shalay gaaray Magaalada Garoowe, iyagoo uga qeyb geli doona Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii horreeyay lagu qabanayo Soomaaliya.

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale waxaa Garoowe wufuud kala oo qeyb galaya Shirka oo looga hadli doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.