Madaxweynaha Jubbaland oo Goor dhow soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano, Wasiiro, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka Madaxweynaha Jubbaland ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka dhacaya Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa degi doona xeyndaabka Garoonka oo loo diyaariyay, waxaana duhurnimadii Maanta Caasimadda soo gaaray Ciidanka Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha.

Dhinaca kale Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka ayaa kusoo wajahan Caasimadda dalka, si ay uga qeyb galaan shirka oo saddex jeer baaqday, kadib markii Puntland iyo Jubbaland ay shuruudo ku xireen ka qeyb galkiisa.

Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo ayaa saddex jeer baaqday, waxaana maamulada Jubbaland iyo Puntland ay shuruudo adeg ku xireen ka qeyb galka shirka looga hadlayo khilaafka doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku cadaadineysa xalinta khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana wax kasta oo khilaaf lagu dhameeyo, si loo qabto doorasho heshiis lagu yahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor