Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa gaaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa waxaa Madaxweyne Axmed iyo wafdi la socday kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan Xukuumadiisa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Garoowe uga qeyb galaya Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii horreeyay lagu qabanayo Soomaaliya, waxaana halkaas uga sii horreeyay Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor.

Inta uu ku sugan yahay Garoowe ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa dhiggiisa Madaxweye Saciid Cabdullaahi Deni iyo  Mas’uuliyiin kale oo ka qeyb galaya Shirkaas, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi la socda ayaa ku sugan Garoowe, waxaana shalay halkaas gaaray qaar kamid Musharaxiinta iyo xubno kale, iyagoo uga qeyb geli doona Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media