Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow dib ugu laabtay Magaalada  Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa kamid ahaa Golilihii Isbedel doonka Jubbaland, waxaana Garoonka diyaaradaha  Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Jubbaland iyo dadweyne farabadan.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Golihii Isbedel doonka maamulkaas ee Cabdinaasir Seerar iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa halkaas heshiis ku aadan dib u Doorashadii Axmed Madoobe iyo Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay labada dhinac ku saxiixday, iyagoo shaaciyay in ay u tanaasuleen danta Jubbaland, uuna Madaxweynaha Jubbaland uu yahay Axmed Madoobe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media