Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Waxaa Madaxweynahu uu Safar Dhulka ah kaga baxay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, isagoo sii maray deegaano kala duwan halkaas oo dadweynaha ku nool ay Madaxweynaha soo dhaweeyeen.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu Magaalada Dhuusomareeb kaga qeyb galayaa shirka Dowlada Dhexe iyo Dowladaha Xubnaha ka ah kaas oo dhawaan ka furmaya Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada Galmudug.
Gabal-dhicii galabta ayaa Dhuusamareeb waxaa gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomin doona Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.