Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka hadlay xanuunka COVID-19 ee Maanta laga helay

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo laga helay, kadib markii Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, isagoo ka yimid dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in baaritaano kala duwan lagu sameeyay markii uu yimid Magaalada Muqdisho, isla markaana la xaqiijiyay in laga helay Cudurka COVID-19 oo haleelay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shaaca ka qaaday inuu Caafimaad qabo, uuna sii wadi karo shaqada uu u haayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed, isagoo raacaya habraacyada Caafimaad ee la xariira COVID-19, wuxuuna u mahadceliyay shacabka.

“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19. Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar qaatay muddo afar maalmood ah ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna Madaxweynaha la kulmay dhiggiisa Imaaraadka Maxamed Bin Saayid iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas kunool.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor