Madaxweynaha Jabuuti oo kulan la qaatay Taliyaha AFRICOM

Dalka Jabuuti ayaa waxaa booqasho ku tegay Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM Jeneral Stephen Townsend, iyagoo halkaas markii uu gaaray siweyn lagu soo dhaweeyay.

Intaas kadib Taliye Jeneral Stephen ayaa Xarunta Madaxtooyadda Jabuuti kulan kula qaatay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madax kale oo ka tirsan dowladda Jabuuti.

Madaxweyne Geelle iyo Stephen Townsend ayaa ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dalka iyo Ciidanka Jabuuti iyo kuwa AFRICOM.

Stephen ayaa waxaa uu sheegay in Jabuuti ay Mareykanka u tahay Isbahaysi muhiim u ah, isagoona uga mahad-celiyay taageerada ay siiyeen Howlgalada loo yaqaano loojistikada ee AFRICOM, xilligii lagu guda-jira ka hortega Cudurka Coronavirus.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa bogaadiyay dadaarka Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee ku aadan dagaal ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media