Madaxweynaha Imaaraadka Carabta oo dhambaal u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta,  Sheekh Maxamed Bin Zayed Al-Nahyaan ayaa waxaa uu dhambaal Hambalyo ah u soo diray Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud ee Munaasabadda maalinta Xorriyadda Somalia oo shalay ku beegnayd (July 1-da).

Madaxweyne Sheekh Zayed ayaa  Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad guurada 62-aad ee ka soo wareegtay markii ay ka xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka gumeystihii Talyaaniga iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Dhinaca kale, Ku-Xigeenka Madaxweynaha Imaaraadka, ahna Ra’iisul-wasaare iyo Xaakimka Imaarada Dubai,  Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-Makhtuum ayaa waxa uu isagana Dhambaalka Munaasabadda maalinta Qaranka Soomaaliyeed u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul-wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta,  Sheekh Maxamed Bin Zayed Al-Nahyaan iyo -Xigeenka Madaxweynaha Imaaraadka, ahna Ra’iisul-wasaare iyo Xaakimka Imaarada Dubai ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay xasillooni, amni iyo Barwaaqo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor