Madaxweynaha Hirshabeelle oo xil cusub u magacaabay Maxamed Caadle (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xil cusub u magacaabay Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo soo saaray Wareegto ayaa waxaa uu La-taliyihiisa gaarka ah ee arrimaha Siyaasadda ugu magacaabay inuu noqdo Maxamed Cali Caadle oo horey u ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Maamulkaasi Hirshabeelle.

Guudlaawe ayaa xilka uu u magacaabay Caadle ugu qiimeeyay doorkii siyaasadeed ee jiheynta doorashooyinkii ugu danbeeyay ee dalka gaar ahaan kuwii ka qabsoomay dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweyne  Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa habeen horey magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub oo laga sugayey muddo dheer, waxaana ay ka koobnayeen 80 xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir ku-xigeen iyo 26 Wasiiru dowle.

Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor