Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Musharax Madaxweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Musharax Madaxweyne Jabriil Ibrahim Abdulle, waxaana kulanka ay kaga hadleen arrimo ku aaddan doorashooda dhawaan la filayo in ay dalka ka dhacdo.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle  Guudlaawe  Xuseen iyo Musharax Jabriil Ibrahim ayaa waxaa ay si gaar ah uga wada hadleen Arrimaha doorashooyinka iyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho la isla ogol yahay oo nabdoon, maamddama ay jiro khilaaf xooggan oo ka taagan doorashooyinka.

Madaxweynaha Hishabeelle Cali Guudlaawe ayaa hadda ku sugan magaalada Mushdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana sidoo kale ku sugan Caasimadda Madaxda maamul Goboleedyada oo al filayo in ay ka qayb galaan shirka wadatashiga ah ee u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor