Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay wafdi ka socday DDS

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kulan kula qaatay wafdi ka socday dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ujeedka wafdigaas Maanta tegay Baladweyne ayaa waxaa uu ahaa dhameynta Colaad beeleedyo ka dhacay deegaanka Feer-feer ee ku yaalla xadka kala qeybiya Hiiwaan iyo Itoobiya, waxaana Colaada dhacday ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweyne Waare iyo wafdiga ka socday Dowlad deegaanka ayaa ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin muhiimada ay leedahay iskaashiga dhinacyada amniga, Dhaqaalaha, iyo Horumarinta ganacsiga.

Wafdigaas ayaa isugu jiray heer wasiiro, Maamulka Gobolka Shabeelle ee Dalka Itoobiya iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa  maalmahaan ku sugnaa Feer-feer, iyaga oo halkaas oo ay u tagay xalinta laba Maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media