Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Waare ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa, waxaana Garoonka Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka Madaxweynaha Hirshabeelle ee halkaas ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Shirka Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada oo maalinta Berri oo Khamiis u furmaya.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada Madaxweyne Waare ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa Shirka iyo xubno kale oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Saacad kadib ayaa waxaa la filayaa in Dhuusamareeb ay gaaran Madaxweyneyaasha Maamulada Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Puntland Saciid Deni.

Ammaanka guud ee Caasimadda Galmudug ayaa Maanta siwey loo adkeeyay, waxaana Madaxweyne uu halkaas la tegayaa Ciidamo badan oo ilaalo u ah, iyadoo dhaq-dhaqaaqa Dhuusamareeb la yareeyay inta uu socdo Shirka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media