Madaxweynaha Hirshabeelle oo Dalab u diray Beesha Caalamka

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Guudlaawe ayaa hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira siyaasadda, amaanka, dib u heshiisiinta, Garsoorka, iyo doorka haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay in muhiimada ay leedahay sii ambaqaadida heshiisyadii doorasho ee horey loo gaaray, isla markaana la xaliyo wixii tabasho ee jira, waxaana ka Hirshabeelle ahaan uu sheegay in mar walbo ay muhiimad gaar ah siiyaan doorka Haweenka ee ka qeyb galka siyaaaada.

Aarrimaha dib u heshiisiinta Hirshabeelle ayuu Madaxweynaha u xusay in Cid kasta oo tabasha qabta uu la fariisanayo, loo xaliyo tabashooyinkii ka dhashay Doorashadii ka dhacay Magaalada Jowhar.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Cali Guudlaawe ayuu sheegay in maamulkiisa uu u baahan yahay la-dagaalanka Al-Shabaab, wuxuuna Beesha Caalamka ka dalbaday in Hirshabeelle laga taageero dhismaha, Tayeynta ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Booliska si ciidamada awood buuxa ay ugu yeeshaan La-dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Hirshabeelle ay baahi u qabto dhismaha Xabsiyo lagu xiro dadka la soo qabto ee shabaabka ah iyo kuwa la xukumo, waxaana uu xusay in juhdi badan ay galinayaan tayeynta iyo dhismaha Garsoor hufan si loo xoojiyo Barnaamijka Dowladnimo.

Hadalkaan ayuu Madaxweyne Cali Guudlaawe ka sheegay shirkii shalay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, ayna aalada ZOOM-ka uga qeyb galeen  Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media