Madaxweynaha Galmudug oo taageero ka dalbaday Beesha Caalamka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa manta Magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah Danjirayaasha Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka oo ay Beesha Caalamka ku matalayeen Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Danjirayaasha Midowga Yurub, Sweden, Norway, UK iyo diplomasiyiin kale.

Madaxweynaha & xubnaha beesha caalamka ayaa ka wada hadlay dardargelinta doorashooyinka, amniga doorashooyinka, xaqiijinta qoondada haweenka iyo taageerada Beesha caalamka ee ku aaddan habsami usocodka doorashada.

Kulanka ayaa dhinaca kale looga hadlay Arrimaha horumarinta Galmudug, amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab sidii Beesha Caalamku gacan uga geysan laheed howlahaas lasoo xusay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa weli ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoona shalay kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyagoona ka wada hadlay Arrimo kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor