Madaxweynaha Galmudug oo soo saaray Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa saqdii dhexe ee xalay soo saaray qeyb kamid ah Liiska Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Galmudug.

Musharaxiinta u soo gudbiyay Madaxweyne Qoorqoor ayaa gaaraya lix Musharax oo u tartameysa saddeeda kursi ee Galmudug ku matelaya Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Axmed Qoorqoor ayaa kursiga 4-aad u qoon deeyay haweenka, waxaana ku tartamaya laba Musharax oo haween ah, kuwaasi oo kala ah Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiyo Maxamed Guure.

Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa dib u dhigay magacaabista Musharaxiinta laba kursi, waxaana kuraastaas hadda ku fadhiya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Senator Cabdiwaaxid Goonjeex.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu wado weli latashiyo kala duwan oo ku aadan kuraasta harsan soo gudbintooda, waxaana kursiga uu ku fadhiyo Cabdi Qeybdiid u sharaxan Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Hoos ka Akhriso Magacyada Liiska Musharaxiinta.