Madaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka golaha Wasiirada Galmudug oo maanta ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xaaladda guud ee amniga, sharciga Dhismaha Degmooyinka iyo Gobalada Galmudug iyo arrimaha doorashooyinka.

Golaha ayaa warbixin ka dhageystay madaxda Wasaaradaha Amniga gudaha, Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka iyo Maaliyadda.

Golaha ayaa gorfeeyay soo jeedinta shuruucda iyo warbixinada ay bixiyeen Wasaaraduhu, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay dib u eegis ku sameyn doonto soo jeedintooda.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor