Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabay Guddi Doorasho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magacaabay Guddiga qaban-qaabada Doorashada Golaha deegaanka ee Degmada Gaalkacyo

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu magacaabay Guddiga Doorashada Golaha deegaanka Gaalkacyo, kuwaasi oo ka kooban 13-xubnood, waxaan Guddoomiye looga dhigay Saciid Salaad Cilmi.

Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in Golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug lagu soo dhiso muddo 90 cisho ah, waxaana la faray Guddiga in xubin kamid ah uusan isku soo sharaxin Golaha deegaanka.

Hoos ka Akhrio Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Qoorqoor.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media