Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa sheegay in ay u diyaargaroobeen xoreynta degaanada fara ku tiriska ah Al-shabaab kaga sugan yihiin halkaas.

Qoor-qoor oo ka hadlayay xaflad uu xilka kala wareegayay Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Xalay ka dhacday Dhuusamareeb ayaa Bulshada iyo maamulka ku boorriyay in ay mideysnaadaan sidii gacabta lagu dhigi lahaa deegaanadan Galmudug.

Madaxweyne, Axmed Cabdi Kaariye ayaa ballan qaaday inuu Gogol nabadeed u dhigi doono, si ay qeyb-uga qaatan xallinta qilaafyada ka dhexeeya qaar ka mid maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe taasi oo horey loogu soo guuleystay dib u hishiisinta Bulshada Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media