Madaxweynaha Galmudug oo Goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa Goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Madaxweyne Qoorqoor kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Wasiiro ka tirsan Galmudug, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Axmed Qoorqoor ayaa kulan looga hadlayo xaaladda siyaasadeed iyo doorashada sigaar ah ula yeelan doona Madaxda dowladda Federaalka, iyagoona sidoo kalena ka arrinsan doona arrimo gaar ah.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoona ka qeyb galaya shirka la filayo inuu dhexmarao Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa isna weli safar shaqo ugu maqan Turkiga, waxaana maqnaanshaha Qoorqoor iyo Lafta-gareen uu sabab u ahaa inuu dib dhac ku yimid shirka loo balansanaa inuu ka dhaco Muqdisho.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ee Qooqroor iyo Lafta-gareen ay shuruudo ku xireen ka qeyb galka shirka Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada, in kastoo uusan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay maamulada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor