Madaxweynaha Galmudug oo balan qaad u sameeyay Ciidamo Tababar u socda

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga gudaha ayaa maanta booqday xerada tababarka Ciidamada Daraawiishta Galmudug  ee Dhaankaroone.

Ugu horeyntii Wasiirka Amniga Gudaha  Galmudug Axmed Mcalin Fiqi ayaa ka warbixiyey Xaalada Ciidamada  iyo halka tababarka uu maraayo.

Madaxweyne Qoorqoor oo la hadlayay ciidamada Daraawiishta ee tababarku halkaas uga socdo  ayaa ammaanay macalimiinta, saraakiisha iyo ciidamada tababaraya, wuxuuna ballanqaaday Madaxweynuhu in uu kor u qaadayo daryeelka ciidamada tababaranaya iyo daboolida baahiyadooda.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Maanta booqday Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana safarkiisa Cadaado ku wehlinayay Madaxweynaha Puntland oo usii gudbay Magaalada Gaalkacyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media