Madaxweynaha Galmudug oo AMISOM kala hadlay amniga Doorashada dhaceysa

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Jeneraal Diomede Ndegeya iyo wafdi Saraakiil uu hoggaaminayay.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Qoorqoor iyo Taliye Diomede Ndegeya ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha amniga guud ee deegaanada Maamulkaas iyo doorashada soo socota ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Taliska Ciidanka AMISOM ka dalbaday inay ka qeyb qaatan sugida amniga goobaha lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada Galmudug ku metalaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Kulanka kadib, Saraakiisha uu hoggaaminayay Taliye Diomede Ndegeya ayaa kormeer ku tagay goobaha loo asteeyey inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka ee lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka.

Kulankaan dhexmaray Madaxweyne Qoorqoor iyo Taliska Ciidanka AMISOM ayaa waxaa uu ku soo aaday, iyada oo weli taagan tahay xiisada u dhexeeysa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljameeca oo qabsaday Magaalada Guriceel iyo deegaano kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor