Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaano ka tirsan DFS oo kulan yeeshay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka DGGM Cali Daahir Ciid ayaa qado sharaf maanta loogu sameeyay duleedka deeganka Mareergur.

Madaxda Galmudug waxaa qado sharafta ku wehliyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanada Gamudug.

Ujeedka qada sharafta ayaa aheyd tageerada maamulka curdunka ah ee Galmudug iyo soo dhaweynta Xildhibaanada DFS, Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka soojeeda deeganka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka DGGM, Cali Ciid oo soo xiray Qado Sharafta ayaa u mahad celiyay Qado sharafta sameysay, Cali Ciid ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deeganka Furinta Fooro, sidoo kale Cali Ciid ayaa sheegay in Galmudug Ciidamo kala dhax gala beelehaas u dirtay deeganka furinta fooro.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media